Safaaraddii Soomaaliya ee Kenya oo soo gashay gacanta Dowladda Soomaaliya
Number of View: 78Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah warqadaha lahaanshaha dhulka safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ku wareejisay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in arintani ay ku timid dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.
Cali Ameeriko ayaa sheegay in masuuliyiin ka socda Wasaarada deegaanka Dowladda Kenya ay guddoonsiiyay warqadaha cadeynaya in Soomaaliya ay leedahay safaarada oo markii hore muran xoogan uu ka taagnaa lahaanshaha dhulkaasi.
Wuxuu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya si ay safaarada halkaasi uga shaqo biloowda shacabka Soomaaliyeedna loogu qabto adeegyada kala duwan.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayuu si aad ah uga mahadceliyay iyo sida wanaagsan ee ay kaga qeyb qaateen dib uhanashada safaarada.
Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga qeyb qaato dib udhiska safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya maadaama Soomaali ay leedahay iminka.










