Rag looga shakisanyahay Argagixiso oo lagu qabtay Somaliland
Number of View: 85Ciidamada booliska ee maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay tuhmaneyaal lala xariirinayo inay gacan-saar la leeyihiin maleeshiyada al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka al-Qaacidda.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale ayaa sheegay in dadka la xiray lagu qabtay howlgallo laga sameeyay magaalooyinka Laascaanood iyo Hargaysa.
Wasiirka oo aan sheegin tirada dadka la xiray ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadaan tuhmaneyaasha, marka uu dhammaadana ay fasaxi doonaan dambi-laaweyaasha, halka damniileyaashana ay maxkamadeyn doonaan.
Maxamed Nuur Carraale waxa uu sheegay in howlgallada ammaanka ee uu wado maamulka in looga gol-leeyahay in caalamka loo muujiyo in deegaannada Somaliland ay ammaan yihiin.
Wuxuu shacabka ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan inta ay socdaan howlgallada ammaanka, isla markaana ay kala qaybqaataan sugidda ammaanka.
Howlgallada ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan dowladaha Maraykanka iyo Ingriiska ay muwadiniintooda uga digeen inay u safraan deegaannada maamulka Somaliland oo ay sheegeen inay khatar amni ka jirto.










