Qoys ku sumoobay Biyo ay cabeen oo la gaarsiiyay cisbitaalka Kismaayo
Number of View: 105Qoys ku sumoobay biyo ay cabbeen oo laga keenay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose ayaa lasoo gaarsiiyay cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Dadkan kusoo sumoobay deegaanka Kudhaa oo ka mid ah Jasiiradaha gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay ahaayeen Sagaal ruux oo hal qoys ah, iyadoo hooyadii qoyskaasina ay halkaasi ku geeriyootay kadib markii sida la sheegay ay cabeen Biyo sun lagu shubay.
Sagaalka ruux ee la gaarsiiyay cisbitalka Kismaayo ayaa la tilmaamay in Laba ka mid ah ay xaaladoodu liitado, waxana qaar ka mid ah Sagaarlaasi ay sheegeen in hooyadii qoyska ay u geeriyootay Sunta halka Aabihiina ay kaga soo tageen deegaanka Kudhaa.
Labada qof oo xaaladoodu liidato ayaa waxaa ka mid ah canug yar oo aan isagu cabin biyaha laakin ku sumoobay naaska hooyadii geeriyootay oo uu nuugay, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta cisbitalka Kismaayo.
Arrintani ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka ka dhasha biyo la’aanta ka taagan Jasiiradaha Koofur galbeen ka xiga magaalada Kismaayo, kuwaas oo la sheegay in biyaha loogu dhaamiyo Booyado isla markaana lagu iibiyo qiimo sare oo aysan awoodin inta badan dadka danyarta ah.










