Nin darayska ciidamada dadka ku dhacaayay oo Jowhar lagu qabtay
Number of View: 124Shacab hubaysan ayaa tuulada Kaluundi ee hoos tagta degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ku qabtay nin hubaysan oo ku labisnaa dareyska ciidamada, kaas oo dadka deegaanka dhac u gaysanayay.
Ninka la qabtay oo watay qoray nooca AK-47-ka la yiraahdo ayaa la sheegay inuu taleefoonnada gacanta uu ka qaadanayay dadka deegaanka, iyadoo ay is-rasaaseeyeen dad hubaysan oo shacabka deegaanka ka tirsan.
Cali Cismaan Muxumed oo ka mid ah dadka deegaanka ee ku lug lahaa qabashada ninka burcadka ah ayaa sheegya inay ku wareejiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, isla markaana lagu xiray saldhigga magaalada.
Tuulada Kaluundi waxay 3 kilo mitir waqooyi ka xigtaa magaalada Jowhar.










