La Yaabka:Haweenay xiligii qabrigeeda ciida lagu shubi lahaa indhaha soo kala qaaday

Number of View: 456

Dalka Al-Jeeriya waxaa todobaadkan ka dhacdey qiso la yaab iyo amakaag ku abuurtey dadka ku dhaqan wadankaasi, ka dib markii haweenay dhimasho loo xisaabiyey oo la geeyey qabuuraha ay soo indhaha kala qaaday iyadoo nool xili la isku dayey in la galiyo godkii lagu aasi lahaa oo loo diyaariyey.

Wargeyska Al Shorooq ee ka soo baxa wadanka Aljeeriya oo warbixin qorey ayaa sheegay in kala carar iyo iga wareeg ay ka dhacdey qabuurihii haweenayda lagu aasi lahaa ka dib markii daqiiqadihii ugu dambeeyey haweenada dhimashada loo xisaabiyey ay neefsatey ayna indhaha kala qaaday, taasi oo keentey in dadkii ay cagaha wax ka dayaan iyagoo cabsi soo wajahdey.

Haweenaydan oo 70 sano jir aheyd waxaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ee la doonayey in godka la galiyo, marada wajigeeda ka qaaday qof ay qaraabo ahaayeen oo doonayey in uu ku aqriyo aayado qur’aan ah, balse markiiba indhaha ayey kala qaaday, iyadoo si caadi ah u neefsatey,

Dhacdada la yaabka leh oo ka dhacdey magaalada El Mahmal.ayaa aheyd in dadkii murugoonayey ee ka naxsanaa geerida haweenaydaasi ee qabuuraha la yimid ay kala carareen iyagoo la yaaban qofka ay meyd ahaanta u soo qaadeen ay nooshahay, halkii ay ka farxi lahaayeen ayay carar ooda la jiireen.

“Dadka badankiisu way argagaxeen, laakiin culima’udiin goobta ku sugnaa ayaa dadkii ugu baaqay inay soo laabtaan oo aanay cararin, Duqduna ay nooshahay.ayna ogaadeen in wax kasta ku jiraan gacanta ALLE.

Dadkii oo cabsi iyo yaab ay haysata ayaa haweenayadii ka soo dafay qabriga loo diyaarinayey in ciida lagu aaso, waxaana ay u soo qaadeen guriga, iyadoo tacsidii isku badashay farxad iyo damaashaad.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...