Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo sheegay in shirka Kismaayo ka furmi rabo uu yahay mid khilaaf abuuraya
Number of View: 196Xilli Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose dhawaan laguwado inuu ka furmi shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gobalka Gedo ayaa arintaasi waxaa kasoo horjeestay Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wuxuu sheegay in qorshaha lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ay tahay arin aan loo marin wadadii loo baahnaa.
Wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee uu ku dhaliilsan yahay maamulka iminka qorshaha lagu dhisaayo Jubaland uu ka socdo Magaalada Kismaayo uu yahay mid kaalintii Dowladda Soomaaliya ay ku laheyd arimahaasi aan laga siinin.
Kaliil ayaa xusay in kaalinta Dowladda Soomaaliya ee laga reebay maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka ay qaateen oo ay kaga dhexmuuqdaan Dowladda Kenya oo uu sheegay inaysan shaqo ku laheyn hadii maamul loo sameynayo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirka dhawaan ka furmi doono Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku sheegay inuu yahay mid lagu kala qeybinayo beelaha daga Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo khilaaf mooyee uusan wax kale abuureyn.
Ugu dambeyn Dowladda Kenya ayaa wuxuu ugu baaqay inay joojiso iska horkeenida beelaha wada dago Gobalada Jubbooyinka oo ay dooneyso inay khilaaf ka dhex abuurto.
Gobalka Gedo iyo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka kala socdo shirar umuuqda kuwa isqilaafsan ujeedkoodana uu yahay maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gobalka Gedo.










