Golaha Ammaanka oo ka fikiraya xayiraadda hubka ee Soomaaliya

Number of View: 131

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka  fikiraya qaadidda xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran tan iyo 1992-kii, si dowladda cusub ay awood ugu yeelato inay dhisto ciidamo awood leh oo uu dalku yeesho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa sheegay in dedaallo dheeraad ah loo baahan yahay si loo horumariyo Ciidamada Qaran ee Soomaaliya, sidaas darteedna Golaha Ammaanka uu tixgelin siinayo, isla markaana uu ka fikirayo codsigii dowladda ee ahaa in xayiraadda hubka laga qaado dalka.

“In kastoo ammaanka Soomaaliya uu aad u wanaagsanaaday, halganka wali ma dhammaanin. [Kooxaha] wax iska caabbinta waxay wali wadaan inay fuliyaan weerarradooda iyagoo isticmaalaya weerarro argagixiso iyo shirqoollo bar-tilmaameed,” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Waxa uu ka digay in qas-wadeyaasha la siiyo fursad ay ku soo noqdaan, si aanay taas u dhicinna waxa uu sheegay inay tahay in la feejignaado.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya saartay xayiraadda hubka, si loo yareeyo dhiigga ku daadanayay dagaallada sokeeye ee dalka ka qarxay markii xukunka laga tuuray dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Siyaad Barre.

Soomaaliya oo dowlad rasmi ah yeelatay sanadkii hore ayaa dhowr jeer ka codsatay Qaramada Midoobay in xayiraadda hubka laga qaado dalka, si loo dhiso ciidamo tayo leh oo hanta amniga, isla markaana dalka ka sifeeya al-Qaaciddada hubaysan.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...