Ciidanka ammaanka Kismaayo oo xiray ‘saddex ka tirsan amniyaatka al-Shabaab’

Number of View: 193

Ciidamada ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay xalay xireen saddex nin oo hubeysan oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin garabka amniyaatka ee maleeshiyada al-Shabaab.

Taliyaha ammaanka ee maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in saddexda nin lagu soo qabtay howlgal ciidanka ay ka sameeyeen guri ku yaalla xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo.

Qaalib wuxuu sheegay in howlgalka uu dhacay kaddib markii qaar ka tirsan dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen ciidanka in guriga ay ku jiraan rag ay uga shakiyeen inay xubno ka yihiin maleeshiyada al-Shabaab.

Wuxuu intaas raaciyay in ragga la soo xiray ay ku hubaysnaayeen bastoolado markii la soo qabtay, isagoo ku eedeeyay inay door firfircoon kaga jireen falal ammaan darro ah oo magaalada ka dhacay.

Howlgalka lagu soo qabqabtay saddexda nin ayaa ka dambeeyay kaddib markii magalada shalay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...