Arsenal oo 80million ku doonay Ciyaaryaahan Radamel Falcao
Number of View: 303Arsene Wenger ayaa caddeeyay in kooxdiisa Arsenal ay ku qarash garanayso £80million sixiixa ciyaaryahan Radamel Falcao, taasoo uu sheegay in uu ku baddalayo siyaasaddii hore ee naadiga.
Macallinka kooxda Arsenal ayaa sheegay inuu cadaadis xooggan ka haysto dhinaca taageerayaasha, wuxuuna sheeghay inay taasi ka dhalatay guul darrooyinkii la soo gudboonaaday naadiga oo ay ugu dambaysay guul-darradii kooxda Bayern Munich kulan ka tirsanaa isreeb reebka koobka Champions League, wuxuuna sheegay macallinku inuu hoos u dhigayo caadaadiskaa xilli ciyaareedka soo socda.
Wuxuu tilmaamay macallinka Arsenal in ay diyaarinayaan qarashka laagu doonayo ciyaaryaahanka, wuxuuna sheegay in kooxda Atletico Madrid ay Arsenal waydiisay £40m taasoo ah qarashka lagu doonayo in laagu iibiyo ciyaaryahanka reer Colombia ee Falcao, wuxuuna Wenger uu diyaar u yahay 27-jirkan uu soo xero galiyo .
Wenger, oo ka hadlaayay ciyaarta ay kooxdiisu maanta la leedahay kooxda Aston Villa ayaa yiri , said: ‘” waan awoodnaa inaan soo qaadaanno Falcao. haddii aan raaadino ciyaaryahanno kale oo latayo ahna waan soo qaadanaynaa.
” waxaan ku jirnaa xaalad adaag waxaana diyaar u ahay inaan ka farxiyo taageerayaasha iyo dadka kale ee ka niyad jabsan kooxda”
Arsenal ayaa haatan daadaal ugu jirta soo xero galinta ciyaaryaahanno dhowr ah, balse waxaa iswaydiin mudan inaytaahay damac iyo mid dhab ah.










