Amisom oo fursaddii ugu dambeysay u bandhigtay Al-Shabaab
Number of View: 167Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa shaaca ka qaaday inay haystaan Ururka Al-Shabaab fursadii ugu dambeysay ee ku aadan in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay kusoo biiraan.
Sida uu warbaahinta usheegay Generaal Obbo oo kamid ah saraakiisha ciidanka Amisom gaar ahaan kuwa Uganda Al-Shabaab ayuu sheegay inay haystaan fursadii ugu dambeysay ee ku aadan inay isa soo dhiibaan.
Wuxuu sheegay in Shabaab aysan aheyn dad ka shaqeynaya maslaxada iyo danaha umadda Soomaaliyeed taasina ay cadeyn u tahay sida ay ula dagaalamayaan shacabka iyo ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Obbo ayaa xusay in marwaliba Amisom ay soo dhaweynayso Dhalinyarada kasoo goosanaya Shabaab ee dhanka Amisom iyo Dowladda kusoo biiraya balse tani ay tahay fursadii ugu dambeysay.
“Waa fursadii ugu dambeysay ee aan Shabaab ugu yeerayno inay dhanka Dowladda kusoo biiraan iyo ciidankeena kana qeyb qaataan howlgalka xasilinta dalka Soomaaliya”Sidaasi waxaa yiri Generaal Obbo.
Amisom ayaa marwaliba waxa ay ugu baaqaan shabaab inay kusoo biiraan dhanka ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayna ka tanaasulaan falalka ay ku guda jiraan.










