Xukuumada Oo Ku Eedeysay Maamul Gobolleedyada Qaarkood In Aysan Xiriir La Laheyn Shacabkooda

Number of View: 137

Iyadoo xukuumada Soomaaliya dhawaan ka dhawaajisay in ay u sameyneyso gobollada dalka maamulo ku-meel-gaar ah oo bulshada u diyaariya hanaankii ay isku soo dooran lahaayeen, ayeey ku eedeysay maamulada hadda jira qaar ka mid ah gobollada dalka in aysan wax xiriir ah la laheyn shacabka ay maamulaan.

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha xukumuuada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guuluud oo xiligan ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Bay, ayaa sheegay in ay ka war hayaan maamulo sida uu sheegay aysan raali ka aheyn bulshada oo hadda jira gobollada qaarkood.

‘’Waxaan rabnaa in aan dhisno maamul lagu mideysan yahay oo ay bulshada gobollka raali ka wada tahay, ma dooneyno kuwo leysku heysto ama aan wax xiriir ah la laheyn bulshadoodii loo baahnaa in ay u adeegaan, ayuu yiri wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Maamulada hadda ka jira gobollada dalka intooda badan waxaa la magacaabay ama horay u magacaabay dowladdii ku-meel-gaarka aheyd ee uu hogaaminayay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Lama oga goorta iyo xiliga wasaarrada arrimaha gudaha ay ku dhaqaaqi doonto dhismaha maamulada ku-meel-gaarka ah ee loo sameynayo gobollada dalka.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...