VIDEO:- Abuu Mansuur Al-Imriki oo Cabsi Ka Qaba Inay Dilaan Al-Shabaab oo Codsi u Diray Caalamul Islaam
Number of View: 364Abuu Mansuur Al-imriki oo kamid ah hoggaamiyayaasha sar sare ee Al-Shabaab ayaa haatan mar kale waxaa la soo daristay cabsi uu ka qabo madaxda Al-Shabaab iyo malleeshiyaadkooda.
Abuu Mansuur ayaa sheegay inuu ka cabsi inay dilaaan kooxaha uu hadda la shaqeeyo, wuxuuna codsi u dirsaday hoggaamiyayaasha Al-qacidda.
” Waxaan ka codsanayaa walaalaha muslimiinta ah meel walbo oo ay joogaan inay i bad-baadiyaan, qofkii qof muslim ah kurbadiisa fayda Alle ayaa asaguna kurbooyinkiisa faydaya” sidaa ayuu sheegay Abuu Mansuur Al-imriki oo ku jira gacanta Al-Shabaab soona duubay cajalad muuqaal ah.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA ABUU MANSUUR OO CODSI JEEDINAYA
Horey ayuu war-bixin u soo saaray Abuu Mansuur oo u dhashay dalka Maraykanka muddana la shaqaynayay Al-shabaab asagoo kamid ahaa dagaalyahannada ugu wanaagsan Al-Shabaab.










