Sawirro ” Nin Chinese ah oo baaskiil ku tegay Togdheer
Number of View: 146Nin u dhashay dalka Chine oo ku socda baaskiil oo safar ku maraya adduunka ayaa gaaray deegaannada maamulka Somaliland, wuxuuna horay u soo maray in ka badna 10 dal.
Foniyan Do oo ah nin dhallinyaro ah ayaa shalay tagay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu hal habeen ku hoyday.
Ninka Chinese-ka ah wuxuu sheegay inuu safarka ka soo billaabay dalka Shiinaha, ayna ku qaadatay 18 bilood inuu baaskiil ku maro 14 dal.
Mr. Do ayaa sheegay in dalka ugu dambeeya ee uu safarkiisa ku tegi doono uu yahay Koonfur Afrika.
Wuxuu tilmaamay in magaalada Burco si wanaagsan loogu soo dhoweeyey oo ay caawiyeen maamulka magaalada iyo dadka deegaanka, isagoo ka mahadceliyay sida loo soo dhoweeyay.













