SAWIRRO:- Michael Jackson walaashiis oo Muslimtey laguna aroosayo magaalada Doha ee Qadar

Number of View: 950

Fanaanadda caanka ah Janet Jackson oo ay walaalo ahaayeen fanaankii geeriyoodey ee Michael Jackson ayaa lagu wadaa in Gu’ga soo socda ee sanadkan 2013 ay kula aqal gasho magaalada Doha ee wadanka Qadar ganacsade Wissam Al Mana oo ah nin billionaire ah oo Qadar u dhashay kaasi oo ay baacsanaysay mudo laba sano ah.

Sida uu qorey wargeyska Us Weekly ee ka soo baxa wadanka Mareykanka waxaa lagu wadaa in xaflada arooska ay ka soo qayb galaan ehelada iyo saaxiibada Janet Jackson iyadoo Wissam oo 37 sano jir ah kana yar 9 sano haweenayda uu guursanayo uu ku daabuli doono dadka ka socda Janet ee arooska ka qayb galaya diyaarad khaas ah oo ka qaadi doonta wadanka Mareykanka gaynna doonta magaalada Doha ee dalka Qadar.

Guurka Janet Jackson & Wissam Al Mana ayaa ku soo aadayaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Fanaanada ay Janet Jackson, sida uu qorey wargeyska Us weekly, waxaa kale oo arintan xaqiijiyey qoraaga weyn ee caanka ah ee dalka Turkiga u dhashay ee lagu magacaabo Adnan Oktar oo sidoo kale loo yaqaan Harun Yahya, isagoo sheegay in Janet Jackson ay Muslimtey iyada iyo waliba Michael Jackson -kii geeriyoodey.

Bishii November ee sanadkii 2008-dii wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa magaalada London wuxuu qoray in  Michael Jackson uu muslimay, iyadoo xaflad gaar ah oo ay ka soo qayb galeen saaxibadiis uu ku qaatey diinta Islaamka, iyadoo arintaasi uu qayb weyn ka qaatey walaalkiis oo lagu magacaabo Jermaine balse markii uu Islaamay la baxay magaca Mohammad Abdul Aziz kaasi oo sheegay in mar uu booqdey wadanka Sacuudiga si uu u soo guto waajibaadka Xajka in uu u keenay walaalkiis kutub lagu turjumay luuqada Ingiriiska oo ka hadlaya wanaaga iyo qiimaha diinta Islaamka, iyadoo la sheegay in Michael Jackson uu aad uga helay kutubtaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in Michael Jackson dilkiisa ay ku lug laheyd qaadasha diinta Islaamka, iyadoo laga cabsadey in saameyntiisa xoogan ee uu ku leeyahay dunida gaar ahaan malaayiinta taageerayaashiisa ahaa ay iyaguna ku biiraan diinta Islaamka, taasi oo tuhunku ka dhashay markii la cadeeyey in dhakhtarkiisii gaarka ahaa uu ku lug yeeshay dilkiisa isagoo haatan maxkamad uga socoto wadanka Mareykanka.

Janet & Wissam waxay isku guursan doonaan xaflad ku saleysan dhaqanka Muslimiinta , sida uu xaqiijiyey qof ku dhaw caruuska iyo caruusada.

Xaflada arooskan waxaa ku bixi doonta 20 milyan oo doolar, iyadoo 3 milyan oo kaliya ay ku bixi doonto duulimaadka 500 qof oo ah marti sharafta arooska ka qay galaysa oo dunida dacaladeeda ka kala imaanaya.

Caruus Wissam waxaa la xaqiijiyey in qof kasta oo arooska ka soo qayb galaya uu hadiyad iyo mahad celinta ka soo qayb galka arooska uu u siin doono saacad nooca Rolex ah oo qiimaheedu joogo 150 kun oo doolar.

Janet oo 46 sano jir ah waxay baacsanaysay Wissam Al Mana mudo laba sano ka badan, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in ujeedada uu uga biyo diidsanaa in uu guursado ay ugu weynyd isagoo ku xiray shuruuda ah inay Islaam noqoto, arintaasi oo haatan la sheegayo inay dhabowday.

Wissam Al Mana waa maalqabeen ganacsi kala duwan oo ay ka mid yihiin dukaamada waa weyn & warbaahinta iska leh, waana agaasime guud ka yahay shirkada Al Mana Retail oo ah shirkad wakiil uga ah wadanka Qadar dukaamnka caank aah ee Armani Exchange, sidoo kale wuxuu saami ku leeyahay dukaamada waa weyne e caanka ah ee Saks Fifth Avenue ee dalka Mareykanka xaruntoodu tahay, hase yeeshee dunida daafaheeda ku leh xarumo.

Janet Jackson qudheedu waa millionaire waxaana hantideeda lagu qiyaasay 150 milyan oo doolar, waxaana guurkan uu noqonayaa kii sadexaad iyadoo laba guur hore oo ay soo martey ay guuldaro ku dhamaadeen.

Sanadkii 1985 waxay is guursadeen fanaan James DeBarge oo ay dhalinyarinimadii saaxiibo isku dhintaa ay ahaayeen, laakiin lix sano ka dib waxay si qarsoodi ah u guursatey René Elizondo oo ahaa Laxan sameeye iyo soo saare heesaha, inkastoo ay isfureen sanadkii 2000-kii.

Janet  waxay kaloo xiriir saaxiibtimo mudo todobo sano ah la laheyd Jermaine Dupri oo ahaa Soo saare Mustic-ga, waxayna had iyo goor gees isaga riixdaa inay shukaansato ragga ka da’da yar iyadoo arimahaasi ka hadlaysa waxya tiri: “ Hooyadeen waxay had iyo goor inagu soo korin jirtey, dhamaanteen waxay inoo sheegi jirtey oo kaliya in aan rumaysano in da’du tahay lambar oo kaliya, waxaan idiin sheegaynaa da’deena, waayo waa halka aad u qaadaan maskax ahaan, iyo sida aad u aragto naftaada wax macno ahna ma leh”.

Mowliid Xaaji Cabdi
Xafiiska Wararka Arrimaha Bulshada
Sooyaal News Network
sooyaal@sooyaalnews.com

1 2 3 4 5 6

 


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...