SAWIRRO:- Habkii uu u dhacay Howlgalkii ay Faransiisku ka fuliyeen Somalia

Number of View: 1197

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa hawlgal dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ciidamada Faransiiska gaar ahaan kuwa Kumaandooska ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, kaasi oo ay ku doonayeen inay ku soo furtaan la hayste u dhashay dalka Faransiiska oo ka mid ahaa sirdoonka wadankaasi oo mudo 4 sano ku dhaw lagu haysto Soomaaliya.

La haysta ayaa magaca uu ku hawlgalo waxaa lagu magacaa Denis Allexasha waxaana isaga nin kale laga qafaashay magaalada Muqdisho bishii July ee sanadkii hore, iyadoo ninkii kale uu ka baxsadey kooxihii afduubka, waxaana ninkan uu dhawaan ka soo muuqdey filim muuqaal ah oo ay ka duubeen xarakada Al-Shabaab oo afduubka u haysta ninkan magaciisa “af-garadka” uu yahay Denis Allex.1

Weerarka ay fuliyeen ciidamada Faranskiiska wuxuu ahaa mid qorsheysan oo ay ku doonayeen inay ku soo furtaan ninkan, waxaana ay xaley si lama filaan ah ciidamo Kumaandoos ah ugu daateen deegaanka Daay-Doog oo u dhaw degmada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo qorshaasi furashada ah uu ku soo dhamaaday fashil khasaare nafeed dhaliyey.

Ciidamada kumaandooska Faransiiska ee hawlgalka fuliyey waxay wateen shan ka mid ah diyaaradaha khumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopters waxaana ciidamada tiradooda lagu sheegay 75 nin oo ku hubaysnaa noocyada kala duwan ee hubka iyo waliba qalabka habeenkii wax lagu arko.2

Ilo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyey Sooyaalnews in ciidamada Faransiiska ay ku socdeen xog dhanka sirdoonka ah oo lagu wargaliyey goobtii lagu haystey la haysta, hase yeeshee arimo kale oo dhacay ay keeneen in hawlgalkaasi uu ku soo dhamaado fashil.

Ilo wareedku waxay xaqiijiyeen in Ninka la haysta ah lagu haystey degmada Buulo-Mareer hase yeeshee ciidamada Faransiiska oo ay ku yared aqoonta ay u lahaayeen deegaankaasi waxay ka bilaabeen socod dhulka ah deegaanka Daay-Doog oo 3km u jira degmada Buulo-Mareer qorshuhuna wuxuu ahaa inay gudaha u galaan degmada, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay ku soo dhaceen markii ugu horeysay guri ay degan yihiin dad rayid ah oo beeraley ah, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamadu ku dileen halkaasi qoyskii ku noolaa gurigaaasi.

Dad ku sugan degmada Buulo-Mareer oo ay Sooyaalnews la xiriirtey hase yeeshee diiday in magacooda saxaafada laga sheego sababo xasaasiyada warkan uu leeyahay ayaa sheegay in qoyska ay dileen ciidamada Faransiiska ay ka koobnaayeen sadex qof, kuwaasi oo magacooda naloogu sheegay Shuukow Xuseen, Aamina Xuseen Cadey & Maxamed Shuukow Xasan oo ahaa wiil laba sano jir ah oo ay dhaleen Aaba iyo hooyada la dilay.3

Rasaastii ciidamada Kumaandoosku ku dileen qoyskaasi ayaa la sheegay inay dhalisay in xoogaga Shabaabka ee deegaankaasi gacanta ku haya ay soo abaaraan goobtii lagu sheegay ciidamada Faransiiska, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal 20 daqiiqo ah socdey.

Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xoogaga Shabaabka ay la baxsadeen ninkii Faransiiska ahaa, iyagoo ka badalay goobtii ay ku hayeen, waxaana iska horimaadkii dhexmarey Shabaabka iyo ciidamada Kumaandooska ku dhintey mid ka mid ah ciidamada Faransiiska halka mid kale oo dhaawac ah nolasha ay ku qabteen xoogaga Shabaabka, waxaa sidoo kale ku dhintey 7 ka mid ah Shabaabka.

Laakiin waaxda difaaca Faransiisku waxay qiratey in weerarkaasi ay kaga dhinteen hal askari, mid kalena la la’yahay, iyadoo sidoo kale ay sheegtey wasaaradu in ninkii la haystaha ahaa ee la doonayey in la soo badbaadiyo uu weerarkaasi ku dhintey, inkastoo Xarakada Al-Shababku sheegeen in ninkaasi uu nool yahay oo ay xaaladiisa soo bandhigi doonaan labada maalmood ee soo socota.

Telefishinka ay leeyahay dawlada Faransiiska ee Franch24 wuxuu baahiyey war kale oo uu ka soo xigtey wasaarada gaashaandhiga Faranskiiska kaasi oo ay ku sheegeen in 17 ka mid ah xoogaga Shabaabka ay weerarkaasi ku dileen.

“Wuxuu ahaa hawlgal qatartiisu aad u badneyd, wax walba waxay inoo muujinayana in Denis Allex uu dhintey” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo ku tilmaamay hawlgalka mid guuldaro ku dhamaaday.

“(Denis) Allex  wali wuu badqabaa wuxuuna ku sugan yahay meel aad uga durugsan goonbta ay uu ka dhacay dagaalku, jawaabta weerarkan daciifka ah ee ay qaadeen ciidamada Faransiisku, Al-Shabaab waxay u balanqaadaysaa dadka Faransiiska inay soo bandhigi doonto xaalada ugu dambeysa ee uu ku sugan yahay  Denis Allex, waxaana la soo taagi doonaa xukun”. Ayay ku xuseen Shabaabku warsaxaafadeed ay ka soo saareen hawlgalkan.4

“Shan helicopters ayaa soo weeraray guri ku yaal deeganaak, waxay ku soo daadiyeen ciidamo si ay u gaaraan goobta ay u socdeen, laakiin dagaal ayaa qarxay” ayuu yiri qof ka gaabsadey in magaciisa saxaafada laga sheego sababo uu ku macneeyey inaan loo ogoleyn in uu saxaafada la hadlo.

Sarkaal ka tirsan Shabaabku wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen qaar ka mid ah ciidamadii weerarka soo qaadey, isagoo sheegay in ay hayaan meydka hal askari.

Dagaalka ayaa dib u qarxay daqiiqado ka dib ka gadaal markii ciidamada Faransiiska ay isku dayeen inay qaataan nin dhaawac kahaa, hase yeeshee ay ku guuldareysteen iyagoo ka casbi qabey in uu xoogeysto dagaalku maadama aanay diyaar u aheyn dagaal mudo socda, waxaana guud ahaan iska horimaadkaasi uu socdey 45 daqiiqo.5

Ciidamada Faransiiska ee hawlgalkan fuliyey ayaa la sheegay inay ka soo duuleen markab dagaal oo Faransiisku leeyahay oo ku sugan xeebaha Soomaaliya, iyadoo ciidamada gaarka ah ee hawlgalka Kumaandooska ah qaaday mudooyinkan ay ku sugnaayeen saldhiga ciidamada Faransiisku ku leeyihiin wadanka Jibuuti.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Khan says:

    France marka hore mxaa geeyay somalia

  2. cawaale yare says:

    ninka ay hayaan al shabab waxaan dhihi lahaa meel fagara ah ha ku goow raceena somalidaba wey qowrici jireen duliyaasha wadanka ayaga naga haleynayo

  3. wiil gedo says:

    faduul baa geysay




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...