Sargaalkii Faransiiska Ahaa oo loo xilsaaray madax sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Number of View: 380

Wararka laga helaayo Gobolka Baay ayaa waxay xaqiijinayaan in uu weli uu nool yahay Captain Dennis Alex, ka gadaal markii Dowladda France ay sheegtay inay dileen Ururka Al Shabaab.

Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowladda Faransiiska ayaa waxay Sabtidii shalay ay shaacisay in Ururka Al Shabaab ay toogteen Dennis Alex, markii hawl galo fashilmay ay ka geysteen Deegaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hadaba wararka maanta laga helaayo Gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in Dennis Alex lala aaday dhinaca Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay, kadib markii uu fashilmay hawl galadii ay Ciidamada Kumaandooska Faransiiska ku doonayeen inay ku soo furtaan habeenimadii Sabtida ahayd.

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in Al Shabaab ay Dennis Alex u xil saartay laba ka mid ah Saraakiisheeda, oo magacyadoodu lagu kala sheegay C/qaadir Kumaandoos iyo Axmed Ramaash.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in labaduba ay xalay ku hoydeen Degmada Buur Hakaba, iyagoo wata baala yiri Ciidan aad u xoogan, oo ay ku doonayaan inay ku difaacaan Sarkaalkaan Faransiiska ah, haddii ay dhacdo in markale lagu soo weeraro.

C/qaadir Kumaandoos wuxuu horey uu uga tirsanaan jiray Saraakiisha Ururkii burburay ee Xisbul Islaam, ee markii dambe ku soo biiray dhinaca Ururka Al Shabaab, waana Sarkaal ku wanaagsan dhinaca dagaal gelinta.

Al Shabaab ayaa waxay tuhunsaneyd in mar uun lagu soo weerari doono inta ay gacanteedu ku heyso Dennis Alex, balse kooxda ayaa waxaa lagu tilmaamay inay tahay mid uu heer sareeyo Sirdoonkeeda.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...