Raysul Wasaare Shirdoon oo booqanaya Marka
Number of View: 165Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa saaka u ambabaxay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wafdiga raysul wasaaraha ayaa la sheegay inuu u kuurgalayo xaaladda amni ee degmada Marka oo ay joogaan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Raysul wasaaraha ayaa safar dhinaca dhulka ah uga ambabaxay Muqdisho.
Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, taliyaha booliska Jeneraal Shariif Sheekhunaa Maye, agaasimaha guud ee hay’adda nabad-sugidda qaranka, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.
Waa booqashadii koowaad ee raysul wasaaraha uu ku tago magaalada Marka tan iyo markii uu xafiiska qabtay Oktoobar-tii la soo dhaafay .
Raysul wasaarah ayaa horey u booqday magaalada Afgooye oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha Hoose.










