Qaban qaabo dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo Gedo ka socda
Number of View: 182Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay la wareegayaan guud ahaan goobaha Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.
kulan ka dhacay gobolka Gedo oo ay wada qaateen saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi ayaa waxay kaga hadleen isbedel lagu sameeyo deegaanada gobolkaasi.
Waxaa kasoo baxay shirka qodobbo dhowr ah oo ay qeyb ka yihiin adkeynta ammaanka deegaannada gobolka Gedo iyo dhameystirka howlgalka ciidamada dowladda ee gobolkaasi.
Kadib Markii uu soo dhamaaday kulankaasi kadib waxaa saxaafadda la hadlay Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolkaasi ku sugan,isago sharaxay waxyaabaha laga wada hadlay.
Wuxuu caddeeyay in dhamadka Janaayo ilaa dhamaadka Febraayo aysan ku qaadan doonin qabashada deegaanada Alshabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.
Sarkaalka ayaa qeexay dhammaan in ciidamada dowladda ee gobolkaas loo qaabeeyay dagaal kama dambays ah oo ay ku qaadayaan deegaanno iyo degmooyin Al-shabaab uu ka taliyo.










