Momobasa Oo Ka Bad-baadday Qaraxyo Lagu waday In Lagu In Lagu Gil-Gilo Magaalada

Number of View: 177

Taliska ammaanka ee mabaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxay kahor taggey mowjado qaraxyo ah oo gil gili lahaa magaalada Mombasa, ee xaruunta labaad ee waddanka Kenya.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Mombasa Aggrey Adoli oo saxaafadda kula hadlay magaalada Mombassa, ayaa wuxuu sheegay inay kahor taggeen qaraxyo gil gili lahaa magaalada Mombasa, intii lagu guda jiray maalmihii ciidda Kirismiska.

“Waxaan kahor tagnay oo aan fashilinay kooxo dooneysay inay qaraxyo ka geystaan magaaladaan Mombasa, intii aan ku guda jirnay maalmihii ciidda Masiixiga.” Ayuu yiri Aggrey Adoli.

Wuxuu sheegay in guri ku yaala magaalada Mombasa ay ka soo qabteen afar nin oo dhalashadoodu ay tahay sida uu yiri Soomaali, kuwaa oo uu xusay inay halkaasi ku diyaarinayeen walxaha qarxa.

“Ciidamada booliska waxay xog ka heleyn guri ku yaala magaalada Mombasa, oo ay miinooyin ku diyaarinayeen afar nin oo u dhashay dalka Soomaaliya, kuwaa oo si dhuumasho leh uga soo gudbay xadka.” Ayuu sii raaciyay.

Aggrey Adoli ayaa wuxuu sheegay inay xilligaan raggaan ku waddaan baaritaano, isagoo si maldahan u sheegay inay ka tirsan yihiin waxa uu ugu yeeray argagaxisada ka dagaamlameysa dalka Somaliya ee Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa waxay dagaalo adag ay kula jirtaa ururka Al Shabaab, oo horey u ballan qaaday inay hirar qaraxyo ah ay ka geysan doonaan magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla dalkaasi Kenya.

Xafiiska Wararka Nairobi
Sooyaal News Network
sooyaal@sooyaalnews.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...