Maraykanka Oo Somalia Siinaya Diyaarado Dagaal
Number of View: 355Dowladda Mareykanka ayaa wadda qorshe dowladda Soomaaliya lagu siinaayo diyaarado dagaal, haddii Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta dhanka hubka ah ee haatan saaran.
Mas’uul u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladdiisa ay siin doonto dowladda Soomaaliya Diyaarado dagaal oo aan badnayn, si ay ugula dagaalanto waxa loogu yeero Argagaxisada.
Sidoo kale Mas’uulkaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tahay dowlad cusub islamarkaana ka bedelan dowladihii hore ee dalka soo maray, iyadoona markaan laga yaabo in nabadda baadi goob ay ugu jirto.
Dowladda Mareykanka ayaa si loola dagaalo Al-qaacida waxay u sameysaa waxyaabo aad u badan, Balse Soomaaliya hadda lama siin karo diyaarado dagaal sababtoo ah waxaa saaran cuna qabatayn dhanka hubka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay inta badan ku dadaashaa sidii looga qaadi lahaa cuna qabateynta dhinaca hubka ah ee saaran, si ay u helaan hub ku filan oo dalka ay kaga saaraan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab











nasiiya koley faaiido maleh mareykan