Magaalada Kampaala oo Cabsi laga Dareemayo iyo Al-Shabaab oo…..
Number of View: 225Mowjado qaraxyo ah ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay gil gilaan Magaalada Kampala iyo gebi ahaanba dalka Uganda, ka gadaal markii laga war helay inay soo galeen shan nin oo xubno fir fircoon ka ah Al Shabaab.
Taliska Sirdoonka ee Dowladda Uganda ayaa ka war helay in gudaha dalka Uganda ay cagaha kula jiraan shan nin oo xubno fir fircoon ka ah Ururka Al Shabaab, iyadoo laga cabsi qabo inay weeraro argagaxiso leh ka geystaan dalkaasi.
Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska ee Dowladda Uganda Vincent Ssekatte, oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Kampala ayaa wuxuu ka warbixiyay shanta nin ee gudaha u gashay dalkaasi Uganda.
Raggaan ayaa wuxuu magacyadoodu uu ku kala sheegay Naciim Ali Amur, Abdullah Axmed Abdullah, Mohammed Nur Ali, A/Raouf Jdey iyo Ali Saleh Aden, isla-markaana wuxuu sheegay inay xubno muhiim ah ay u yihiin Ururka Al Shabaab.
Vincent Ssekatte ayaa wuxuu kaloo sheegay inay xilligaan baadi goob ugu jiraan raggaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, sifo la xiriira si looga hortaggo buu yiri inay weeraro argagaxiso leh ka geystaan Uganda.
Vincent Ssekatte ayaa sidoo kale sheegay in raggaan sawiro muuqaaladooda muujinaaya la dhigay Xuduuda dalka, Isbitaalada iyo dhamaaanba wadooyinka uu sheegay inay muhiim u yihiin marinka raggaan.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu sanadkii hore uu ku hanjabay inay weeraro cul culus ku ekeen doonaan dalkaasi Uganda.










