Kooxo Weerar Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo
Number of View: 177Wararka laga hellayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Bay ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan weerarku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya.
Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo gaar ahaan kuwa degan agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeed rasaas culus, waxaana jira sida la sheegay khasaare labada dhinacba ka soo gaaray dagaallka.
Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa isla xalay weerar ku qaaday barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Bay ee dowladda Soomaaliya deegaannka lagu magacaabo Guuf –guduud ee duleedka Baydhabo.
Weerarkaas ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa sadax ruux, halka tiro intaa ka badna uu dhawac ka soo gaaray.
Weerarada xalay dhacay ayaa kus oo beegmaya xili magalada Baydhabo ay ku suganyihiin wasiirro ka trsan xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo halkaasi la tashiyo dhanka maamul u sameynta gobolkaasi ku aadan kula leh waxgaradka iyo qaybaha bulashada gobolkaasi.










