Khibrad yaridu waxay keentay in la kala garan waayo dib u soo celinta xiriir diblomaasiyadeed iyo aqoonsi dowlad la siiyo(Qormo Xiiso Leh)
Number of View: 411Dawladda federaalka Soomaaliya oo iyadu ka baxday xiligii ku meel gaarka ahaa ayaa tan iyo markii lagu soo as aasay dalka Kenya waxaysan helin masuuliyiin aqoon iyo khibrad dawladeed iyo mid siyaasadeed oo buuxda leh, taasi waxay keentay kuf-jabid iyo dhicid soo food saarta dawladihii ku meel gaarka ahaa, iyagoo markasta la kufaa dhacayey garab iyo taageero buuxda oo ay ka helaan caalamka, taas oo sababteedu ahayd iyadoo ay meesha ka maqnayd markasta falanqayn iyo qorshe dheer oo lagu sameenayo hadba wixii la rabo in la hor dhigo caalamka intiisa kale.
Inkasta oo uu wakhti uu ka soo wareegay xiligii madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh uu booqashada ku tegey dalka Maraykanka ee uu kula kulmay xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka Mrs. Hillary Clinton, arintaas oo soomaalidu ay qaabab badan uga jawaabeen oo isugu jira dad soo dhaweeyey iyo dad aan wax weyn ka soo qaadin una arkayey inay tahay booqasho lagu degdegay sida uu yiri pro. Ali Khaliif Galaydh.
Dhamaan ama inta badan baraha soomaalidu ay ku leedahay internetka, tv-yada iyo raadiyaasha iyo dhammaan mas’uuliyiinta soomaalida, ha isugu jireen kuwa ka tirsan dawladda dhexe, maamul goboleedyada, iyo Somaliland-ba intuba waxay isticmaaleen markii ay damceen inay ka hadlaan booqashada madaxweynahu ku tegey Maraykanka “Maraykanku wuxuu aqoonsaday Soomaaliya” qolo kastana dhankeeda ayey ka sodhaweysey qolona ka mucaaraday.
Hadaba xaqiiqdu waxay tahay in sababta aynu weli u noqon la’anahay dawlad sal adag ay tahay iyadoo ay meesha ka maqan tahay wixii la oran jiray aqoon iyo khibrad, hadii ay taasi jiri lahaydne waxaan aaminsanahay aniga iyo inta ila fikirka ahiba in xilliyo horey aynu si degdeg ah uga soo kaban lahayn burburka iyo dawladda xumada aynu ku can baxnay 22-kii sano ee u danbeeyey.
Madaxda soomaalidu waxay isku meel iyo maqaam joojiyeen dalkii la oran jiray Soomaaliya oo isagu xoriyadda qaatay 1960 oo ahayd xiligii dalkeenu uu noqday dal madax banaan isla markaasne la siman dalalka kale ee dunida ka jira, heerkaas aynu joognay ayey waxay noqotay in maanta dib la inoo celiyo 52 sano oo ka so wareegtay xilligaas iyadoo ay inala mid dhigeen wadamada hada raadinaya aqoonsiga sida Falastiin iyo Somaliland oo sheegtay inay ka go’oday soomaaliya.
Waxaan kusoo gunaanadayaa hadalkayga in ay laga marmaan tahay in shaqooyinka dawladda aan qof walba qabiil wax loogu dhiibin ee la tixgeliyo aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo ee uu markaas haysto, si mustaqbalka loo kala aqoonsado farqiya u dhaxeeya “aqoonsi” iyo “soo nooleyn xiriir diblomaasi”
Raage Omar
farhaanyare@hotmail.com











asc fadlan dadku waa hal somalia marka aad wadankan ka hadlaysaana ama aad qoral soo bandhigaysaan ha odhanina somalia iyo somaliland ama purtland waxaasi naf tirkeeda ayaa aqoon la aan ah somalia waa un hal inta maqana waala baadi goobi insha allah ,marki la wanagsanaado