Howl-gal Aada u xooggan oo ay Ciidamada Dowladdu ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose

Number of View: 198

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalkii ugu xoogganaa waxay maanta ka wadaan gobalka Sh/hoose gaar ahaan inta u dhaxeeysa degmada Afgooye iyo magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose.

Howlgalkaan ayaa waxay ciidamada dowladda Soomaaliya kusoo qab qabanayaan askarta maalmahaan dambe dhaca iyo dhibaatada ku haaya dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada aynu kor kusoo sheegnay, iyadoona howlgalkaasi ciidan badan lagu soo qabtay.

Guddoomiyaha gobalka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 30 ka mid ah askartii shacabka dhibaatada ku haysay kuwo kalena lagu raad joogo.

“Waxaan qabanay saacadihii ugu dambeeyay ciidamo badan oo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya ee dhibka maalmahaan ka sameeynaayay deegaano ka mid ah gobalka Sh/hoose, kuwo kalena haatan ayaan qaban doonnaa, howlgalkana waa mid socon doona waligiis” Siidii ayaa sidaasi yiri.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan waday howlgalo sidaan oo kale ah xilli qatiyaan laga taagnaa qaar ka mid ah ciidamadaas oo kufsi iyo dhac ku haayay shacabka ku dhaqan gobalka Sh/hoose.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...