Faransiiska oo Bur-buriyay Xarun Weyn oo ay Lahaayeen Al-Shabaab (Warbixin)

Number of View: 232

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidan si gaar ah u tababaran oo Faransiis ah ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ahaa isku day ay ciidanka Faransiiska ku doonayeen inay xoog ku soo furtaan la-hayste Faransiis ah.

Goob-joogayaal ku sugan magaalada Buulo-Mareer ayaa sheegay inay maqleen guuxa helikobtar ka hor intaaney maqlin qaraxyo iyo is-rasaaseyn xooggan.

Kooxda al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay haysato la-haystaha Faransiiska ah.

Horjooge ka tirsan al-Shabaab oo la hadlay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inay dileen dhowr ka tirsan askarta Faransiiska, balse si madax-bannaan looma xaqiijin karo sheegashadaas.

Howlgalka ciidanka Faransiiska ay ka sameeyeen Buulo-Mareer ayaa imaanaya saacado kaddib markii Faransiiska uu ku dhawaaqay inuu faragelin milateri ka sameynayo dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Mali, si uu u taageero dowladda, ulana dagaallamo kooxaha Islaamiyiinta.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo in labada dhacdo ay xiriirsanaayeen.

Goob-jooge ku sugan Buulo Mareer oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Cali ayaa sharraxaad ka bixiyay weerarka ay ciidanka Faransiiska geysteen habeenkii Jimcaha.

“Waxaan maqalnay qaraxyo is-xiga oo ay xigtay israaseyn il-biriqsiyo kaddib markii helikobtar ay soo dul martay magaalada,” ayuu u sheegay wakaaladda AP.

“Ma garaneyo sida ay wax u dhaceen, balse goobta ay wax ka dhaceen waxay saldhig u ahayd al-Shabaab.”


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...