Dowladda Koonfur Africa Oo Malaayiin Doolar Ugu Deeqday Dalka Soomaaliya

Number of View: 149

Dowladda Koonfur Africa ayaa shaaca ka qaaday in ay dalka Soomaaliya ugu deeqeyso ama siineyso gargaar lacageed oo gaaray 11 malyan oo doolar.

Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa warkan ka sheegay kulan la yeeshay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi Koonfur Africa oo uu madaxweynuhu ka gudoomay warqadihii aqoonsiga.

Waxaa uu sheegay madaxweyn Jacob Zuma in uu aad uga xun yahay dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya iyo dagaallada mudada dheer ka socda dalka, laakiin waxaa uu sheegay dhinaca kale in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya hadda sameyneyso hormar dhinacyo badan.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Zuma in uu siweyn u soo dhaweeyay qudbadii uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay shirkii midowgga Africa ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

‘’Runtii shacabka Soomaaliyeed iyaga ayaa looga fadhiyaan in ay ayaahadooda ka tashadaan, waxa kaliya ee uu caalamku ku taageeri karo waa gacan siinta sidii loo dhaqaajin lahaa wax yaabaha ay Soomaalidu ku hishiiyaan, sidaa daraadeed waxaan leeyahay dowladda gacan hala siiyo,’’ ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Africa.

Dalka Koofurka Afrika ayaa waxaa ku nool kumanaan ruux oo Soomaali ah kuwaasoo ah ganacsato badankood ku ganacsada tuulooyinka dalka Koofur Afrika.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...