DHAGAYSO:- Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay Socdaalkiisii Baydhabo
Number of View: 168Wasiirka gaashaandhigga Somalia C/xakiin Maxamuud Fiqi ayaa gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay asagoo halkaa kulamo kula qaatay mas’uuliyiin iyo dad kale oo ku sugnaa deegaannadaas.
Sidoo kale wasiirka iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa la sheegay inay lacago u qaybiyeen ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Haddaba markii uu gaaray Fiqi magaalada Baydhabo ayuu ka warbixiyay socdaalkiisii magaalada Baydhabo wuxuuna sheegay inay u yimaadeen asaga iyo waftigiisa arrimo badan oo ay kamid tahay ladagaallanka Al-shabaab.










