DHAGAYSO : Taliyaha Ciidamada Gobolka Gedo ” Waxaan Dilnay ku Dhawaad 14 Askari iyo ……
Number of View: 316Taliyaha ciidamada gobolka Gedo Jamaal xasan Sareey ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalladii ka dhacay gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay Al-Shabaab ka sifeeyeen goobihii ay ku dagallameen.
Jamaal Xasan ayaa sheegay in shabaab ay maalmahan isku aruursanayeen deegaannada ay dagaalladu ka dheceen, wuxuuna sheegay in dagaalka ay galeen oo kaliya ciidamada dowladda oo kaliya, wxuuna intaa ku daray in ciidamada Itoobiya ay bixinayeen saanadda millatari oo kaliya.
Jamaal xasan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dadka dhibaatooyin badan u gaysteen haatanna la joogo xilligii laga tir tiri lahaa guud ahaamba gobolka, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab ay weerarka lahaayee.
HALKAAN KA DHAGAYSO HADALKA JAMAAL XASAN SAREEY
Taliyaha Ciidanka gobolka Gedo ayaa sheegay inaysan cidi ka dhiman oo ay ka dhaawacmeen oo kaliya afar askari, wuxuua sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen ku dhawaad 14 askari , wuxuu intaa raaciyay inaysan wax shacab ah aysan wax gaarin.
Xaaladda gobolka ayaa maalmahan ku jiray dagaallo iyi siyaar garow lagaga soo hor jeedo Al-Shabaab.










