DHAGAYSO: Madaxwaynaha Central State oo ka hadlay Qorashahe Maamul loogu Samaynayo Gobollada Dhexe
Number of View: 325Maalmahan waxay kulamo ka socdeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kuwaasoo ay wadeen maamullada Gal-mudug iyo Ahlu-sunna wal-jamaaca, waxaana looga tashanayay sidii maamul loo wada dhanyahay loogu samayn lahaa dhammaan gobollada dhexe ee dalka Somalia.
Kulamadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa qaadacay oo ka soo horjeestay maamulka Somalia Central State, wuxuuna maamulka sheegay inay raalli ka yihiin waxa ay shacabka gobolladaas doonayaan.
Maxamed Xaashii Carrabeey oo ah madaxwaynaha Maamulka Somali Central State oo la soo xariiray shabakadda Sooyaal News asagoo jooga magaalada Lester ee dalka Britain ayaa sheegay in maamulka ay wadaan Ahlu-sunna iyo galmudug uu yahay mid ka soo horjrrda shirkii lagu qabtay magaalada Cadaado, wuxuuna sheegay in maamul loo sameeyo gobollada dhexe uu yahay mid lagu hor marin karo gobollada dhexe ee Somalia.
HALKAAN KA DHAGAYSO HADALKA MADAXWAYNAHA SOMALI CENTRAL STATE
Hadalka madaxwaynaha Somalia Central State ayaa imaanaya xilli ay wadaan Ahlu-sunna iyo Gal-mudug qorshe lagu samaynayo maamul goboleed oo ay yeelato gobollada dhexe ee Somalia.










