DHAGAYSO:- Faroole oo Walaac ka Muujiyay Qaabka Xasan Sh. Maxamuud Iyo Arrin uu ka Sheegay Jubbooyinka

Number of View: 660

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Farole ayaa shaaca ka qaaday in uu walaac ka qabo qorshe madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ku doonayo in Dastuurka ku tirtiro.

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo xalay u dabaaldagaayey nanadguurada 4-aad ee Waxqabadka dawladdiisa 4-tii sanno ee lasoo dhaafay ayaa sheegay in uu ka digaayo in dib loogu laabto Khilaaf iyo Isku dhac haddii madaxwayne Xasan Sh. uusan joojin qorshaha uu wado.

“ Waxaan aad uga xumahay oo aanan filayn in aan maqlo, Baarlamaanka federaalka maantii dhawayd markii la xiray, inay ka soo yeertay Afka Madaxweynaha in Dastuurkaasi uusan shaqayn karayn, ee ay noqon doonto in Barlamaanka iyo Dowladu wax ka bedelayaan” ayuu yiri Faroole.

HALKAAN KA DHAGAYSO HADALKA UU JEEDIYAY FAROOLE

Waxa uu ka digay inaan dalka dib loogu celin,laguna dhaqmo Dastuurka hadda qoran kaas oo ku sifeeyey in uu yahay kii lagu doortay madaxda hadda xafiiska joogta iyadoona odayaasha dhaqanka Puntland qaar kamid ah ay Wax ka ansixiyeen.

“Arrintaasi sidaas ma aha yaan dalka dib loo celin, yaan isku dhac cusub la samayn, sida qoran oo la idinku doortay oo lagu ansixiyay oo odoyaashii Ergada ahaa ee wax ka ansixiyay halkan Caawa fadhiyaan, Ha lagu dhaqmo baan ugu yeeraynaa” ayuu hadalkiisa raaciyay Faroole.

Madaxweynaha Puntland oo si faahfaahsan uga hadlay maamul u sameynta gobollada kale ee Soomaaliya ayaa sheegay in sida Dastuurku qabo loo sameeyo maamulo ka koobnaan doona Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaanu sugaynaa oo sida ku qoran Dastuurka Federaalka ah oo dhamaystirkiisa Dowladu sahasho sidii loo dhisi lahaa Dowladihii puntland la mid ahaan ka dhismaan Degaamada kale ee Somalia,dabadeedna sida ku qoran dastuurka,dabadeedna qodobada Dastuurka ee dib loo dhigay ee awood qaybsiga Siyaasadeed,awooda dakhliga dowliga ah,awooda khayraadka dalka qaybsigiisa,intaa marka laga wada hadlo shirar dambe”ayuu yir

Gababagadii Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Carqalada iyo Buuqa laga daayo maamulka Jubaland,dalkana Cagaha loo dhigo isla markaana Shacabka deegaankaas degan loo daayo taladooda.

“Waxaan ugu yeeraynaa in maamullada hadda madaxa keenay sida maamulka Jubbaland oo buuqa badan iyo Ilaaqda Badan lagu furay, Carqaladaha laga daayo oo dalka cagaha loo dhigo, ay dhismaan oo dadka halkaas degaa taladooda lahaadaan” ayuu ku soo gaba gabeeyay hadlkiisa Faroole

Xasiiska Wararka Boosaaso
Sooyaal News Network
sooyaal@sooyaalnews.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...