DHAGAYSO:- Dhaq-dhaqaaqyo Xooggan oo ay wadaan Ciidamada dowladda Ee Gobolka Gedo
Number of View: 238Maalmihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo aya aka socday qaybo badan oo kamid ah gobolka Gedo, waxaana ay ku wajahanyihiin dhaq-dhaqaaqyadaasi magaalooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Maxamed dayax oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Luuq oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda ay dhammeeyeen qorshihii ay kula wareegi lahaayeen degmooyinka ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Sargaalkan ayaa intaa raaciyay in ciidamada dowladdu ay ka diyaar garoobeen degmooyinka gobolka oo dhan, haatanna ay diyaar u yihiin inay la wareegaan degmooyinka gobolka ka harsan.










