DHAGAYSO, Dhacdooyinkii ugu Xanuunka Badnaa Ee Sannaddii 2012kii Soo Gaaray Saxaafadda Soomaalida
Number of View: 191Sannadkii aannu ka soo gudubnay ee 2012kii waxay ahayd wakhtigii ugu xumaa inta la ogyahay ee soomara saxaafadda Somalia, xilligaas waxaa la dilay saxafiyiin kor u dhaafaya 18 waliye oo ku jiray dhammaantood mihnadda saxaafadda.
Wariyayaasha la laayay waxay intooda badan ku geeriyoodeen ama lagu dilay magaalada muqdisho, ayadoo ay jiraan deegaanno kale oo lagu laayay wariyayaasha.
Sidoo kale waxaa jira kuwo kale oo aan wali helin caddaalad iyo maxkamad kuwaasoo ilaa hadda ku jira xabsiyo, waxaana xabsiyadaasi ka mid ah kuwo ku yaalla magaalada muqdisho iyo ismaamullada Somaliland iyo Puntland.
Waxaa sidoo kale jira tiro wariyayaal ah oo ka soo cararay deegaanno kamidyihii Jubbada hoose, Jubbada Dhexe, iyo Gedo kuwaasoo intooda badan qoxooyi ku ah dalka kenya.










