DHAGAYSO: Dagaalladii Ka Dhacay Gobolka Gedo iyo Qasaaraha Soogaaray Al-Shabaab
Number of View: 397Dagaallo ayaa d u kharaar aayaa ka dhacay gobolka Gedo, halkaasoo ay isku fara saareen Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwo Itoobiya.
Dagaal aad u xoogganaa ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhacaysa Luuq iyo Garbahaarreey, waxayna saraakiisha dowladduu sheegeen inay dagaalkaas guulo ka gaareen.
Maxamed Axmed Cali oo kamid ah saraakiisha dowladda Somalia ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay ka awood roonaadeen Al-Shabaab islamarkaana ay ka dileen ku dhawaad 11 askaro oo kamid ahaa Al-Shabaab.
Mr Cali ayaa intaa raaciyay in hadda ay diyaar u yihiin inay Al-Shabaab kala wareegaan guud ahaamba gobolka Gedo.
HALKAAN KA DHAGAYSO WARAYSIGA SARGAALKA
Xaaladda ayaa wali kacsan ayadoona laga cabsi qabo inay dagaallo ka dhacaan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo.










