DHAGAYSO: Dagaalladii Gobolka Gedo ee Maalmihii la soo dhaafay iyo Xaaladda Dhabta ah
Number of View: 445Dhowrkii maalmood ee laga soo gudbay wuxuu dagaal ka socday qaybo kamid ah gobolka Gedo, halkaasoo ay ku dagaallamayeen Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dowladda Ethiopia.
Dagaalladaas waxaa ka dhashay qasaaro xooggan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamayay.
Cali Xasan Deer oo hirey uga tirsanaa baarlamanka Somalia haddana ah mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay weerarka qaadeen ayna ku doonayeen inay ku sifeeyaan guud ahaamba gobolka Gedo.
Cali Xasan Deer ayaa intaa raaciyay inay bur buriyeen saldhigyadii ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxaysa Luuq, Balad-xaawo iyo Garbahaarreey, wuxuuna sheegay inay hadda ku wajahanyihiin degmooyinka harsan ee Buurdhuubo iyo Baardheere.
HALKAAN KA DHAGAYSO WARAYSIGA CALI XASAN DEER
Dagaalladii ka dhacay gobolka ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen ku dhawaad 15 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaallamayay, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kor u dhaafaya 30 qof.










