DHAGAYSO:- Cunaqabatayn Saaran Magaalada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool
Number of View: 145Magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ayaa lagu soo warramayaa inay saarantahay cunaqabatayn ay ku soo rogeen ururka Al-Shabaab oo ku hareeraysan degmaas.
Xasan Ibraahim Xasan oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Bakool oo u warramay idaacadda Kulomiye ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in magaalada ay cunaqabataysantahay, wuxuuna intaa raaciyay in maamula degmada iyo kan gobolkuba ay arrintaas ka war qabaan.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bakool ayaa intaa raaciyay in Al-Shabaab ay tuuranyihiin hareeraha magaalada, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax soo gala iyo wa kabaxa magaalada intuba.
Xasan Ibraahim Xasan ayaa hadalkiisa sii raaciyay in magaalada ay hadda ka jirto cunno yari iyo sicirka oo sii qaaliyoobaya, wuxuuna sheegay haddii aan wax laga qaban in xaaladdu ay ka sii dari karto.
HALKAAN KA DHAGAYSO WARSYIGA XASAN IBRAAHIM XASAN
Magaalada Xuddur waxay kamid tahay goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Somalia, waxaana horey u maamuli jiray ururka Al-Shabaab.










