DHAGAYSO:- Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Gedo oo La Wareegay Deegaanno Hor Leh
Number of View: 353Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanka Daar Macallin oo qiyaastii 35KM u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Qabsashada deegaanka ayaa la sheegay inay ahayd mid usan dhiig ku daadan oo ay ciidamada dowladdu ku qabsadeen si nabadeed.
Cabdullaahi maxamed oo kamid ah taliyayaasha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay la wareegeen deegaankaas, maalmaha soo socdana ay la wareegi doonaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Taliyaha ayaa intaas ku daray in qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo ah kuwo isku soo dhiibay iyo kuwo ay ku qabteen dagaalladii kasocday maalmahan.
HALKAAN KA DHAGAYSO HADALKA TALIYAHA CIIDAMADA
Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo ka socdeen gobolka Gedo kuwaasoo u dhexeeyay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.










