Degmada Ceel-Waaq Ee Gobolka Gedo oo ay ku sii Qul-qulayaan Wufuud Fara badan

Number of View: 191

Magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo waxaa ku qul-qulaya wufuud ka kala socota daafaha caalamka oo ka tirsan beesha Sade, waxaana lagu wadaa inuu ka dhoco shir looga hadlayo horumarinta beesha iyo isu keeniddeeda.

Shala ilaa iyo xala ayaa magaalada waxaa gaaray wafuud ka kala timid magaalooyinka Kismaayo,Muqdisho,Garbahaaree, Baardheere, Nairobi, iyo goobo kale oo aad u badan

Mas’uuliyiinta gaartay magaalada Ceel-waaq ayaa la sheegay in si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada, waxayna ugu baaqeen xubnaha kale ee ka tirsan beesha inay soo gaareen si loo sii amba qaado shirka looga tashanayo aayo ka talinta beesha sade.

Afhayeenka ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka Col.Warfaa Sh. Aadan ayaa u sheegay Sooyaal News inay jiraan wali wufuud kale oo la sugayo kuwaa oo ka imaanayo dalalka shisheeye oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Norway, Holland, Denmark, Canada, iyo dalal kale oo fara badan islamarkaana ay beeshu ku badantahay.

Shirka lagu wado inuu ka dhoco degmada Ceel-waaq ayaa looga hadlayaa arrimaha beesha Sade dhexdeeda islamarkaana looga tashanayo isu keenidda iyo dhammaynta khilaafaadka u dhexeeya beesha sade.

Xafiiska Wararka Garbahaareey
Sooyaal News Network
sooyaal@sooyaalnews.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...