dad Shacab ah oo lagu rasaaseeyay Gobolka Baay
Number of View: 252Wararka ka imanaya Gobolka Baay ee Dalkeena Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saakay rasaas lagu furay Gaari Bl ah oo ay Saarnaayeen dad Shacab ah.
Gaarigan ayaa waxa uu isaga Marayay Magaalada Diinsoor waxaana wararku ay tilmaamayaan in uu kusoo jeeday Magaaladda Mogadishu oo ah Caasimadda Soomaaliya.
Rasaasta ayay wararku sheegayaan in ay gaysatay Khasaare xoogan oo soo gaartay dadkii saarnaa gaari balse waxaana ilaa iyo haatan si cad loo ogeyn inta qof eek u geeriyootay Weerarkaasi.
Ma ahan Markii ugu horeysay oo ay rasaas ku furan dad shacab ah rag iyagu ku labisnaa Dariiska Ciidamada Soomaaliya.










