Dad Dhiganayay Xaflad Todobo bax ah oo ay Al-Shabaab Rasaas Ku Fureen

Number of View: 379

Ururka Al Shabaab ee gacanta ku haaya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan, ayaa waxay rasaas ku fureyn dad xaflad toddobo ah ku dhiganaayay deegaankaasi, kadib markii ay ka caroodeen ciyaarta hiddaha iyo dhaqanka, oo ay goobtaasi ku soo bandhigeen.

Deegaanka Booco oo qiyaastii 25km dhinaca Koonfur kaga toosan magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, ayaa waxay rasaastii ay Shabaab fureyn ugu geeriyootay haweeney ka mid ahayd, dadkii ku sugnaa xaflada toddobo baxa ah.

Sidoo kale waxaa uu dhaawac ka soo gaaray ilaa seddex ruux oo haween ah, waxaana laba ka mid ah dhaawacyadoou la sheegay inay yihiin kuwo daran.

Dadkaan dhaawacmay ayaa waxaa dhaawacyadooda loo soo qaaday dhinaca magaalada Baladweyne, oo lagu wado in halkaasi lagu daaweeyo.

Saraakiisha ururka Al Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dadka masaakiinta ah ee ay wax yeellada ugu geysteen deegaanka Booco, iyadoo markaasi aysan jirin wax digniino ah oo ay dadkaasi u jeediyeen.

Ururka Al Shabaab ayaa waxay muddooyinkii dambe ay beegsanayeen goobaha aroosyada, ee lagu muujinayo dhaqanka iyo weliba ciyaarta hiddaha & dhaqanka, oo ay Soomaalidu ku faanto.

Xafiiska Wararka Balad-wayne
Sooyaal News Network
sooyaal@sooyaalnews.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...