Daawo Sawirrada:- Xayawaan Cabbayo Sigaar, Qaarkoodna ay layaab kugu noqon doonto
Number of View: 821Caadooyinka caalamka ka dhaca mararka qaar waa ay kaa yaabinayaan, waxayna ku tusayaan wax markii aad aragto aadan qaadan karin balse markii aad sii fiiriso kuu rumoobayso.
Dalal ka tirsan caalamka ayaa lagu soo bandhigay xayawaanno cabba sigaarka, kuwaa oo la sheegay inuu u qabanayo sidii dadkii oo kale, qaarkoodna waxaaba la sheegay inay cabbaan hal saac maalintii oo dhan.
Xayawannada cabba sigaarka waxaa kamid ah, Daanyeerka, Diidiinka, Maska, Eyga, Bisadda, iyo kuwo kale oo aad u badan.
Sida laga soo xigtay wargayska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, nin u dhashay dalka Filipin ayaa sheegay inay baraan xayawaannadan sida loo cabbo sigaarka, kadibna xayawaanku uu la qabsado, wuxuuna intaa raaciyay in xayawaanka cabba sigaarku uu kugu soo ordayo markii uu ku arko sida uu hadalka u dhigay.
Hay’adaha u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa ayagu ka dayriyay arrimahan iyo sida loo fasahaadinayo xayawaanka, wuxuuna khabiir u dhashay dalka Maraykanku uu sheegay in maxkamad la soo taagi doono dadka waxaan sameeya.
Dalalka ugu badan oo ay ka dhacaan baridda xayawaanka sida sigaarka loo cabbo waxaa kamid ah China, Russia,Thailand, Filipin, iyo waddammo kale oo caalamka ka tirsan.

















