Daawo Sawirrad:- Idaacad Cusub oo Laga Furay Magaalada Kismaayo
Number of View: 167Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa laga hirgaliyay idaacad FM ah oo ay yeelato magaalada tan iyo markii ay Al-Shabaab ka bexeen magaalada Kismaayo
Idaacaddan ayaa waxaa hir galiyay wasaaradda warfaafinta ee dowladda Somalia, waxaana mas’uuliyiin ka socday wasaaraddu ay sheegeen in idaacaddan ay tahay mid looga gol leeyahay sidii ay dadku ugala socon lahaayeen xaalada guud ee dalka.
Al-Shabaab ayaa horey u xiray idaacaddii Horn Afrik ee ka howl galaysay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Idaacaddan cusub ayaa loo bixiyay Radio Kismaayo, waxayna ku biiraysaa idaacadihii horey u soo maray maagaalada sida Radio Jubba iyo Horn Afrik.













