DAAWO:- Raysul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo Si kulul Uga Carooday Sawir Laga Sameeyay
Number of View: 360Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Jimcihii laga dhadhansaday hadal caro leh, ka gadaal markii uu bulshada uu kala kulmay dacaayado isaga ka dhan ah.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, oo shalay galab Xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id, oo uu kaga hadlaayay wax qabadka Xukuumadiisa, mudadii 55ka cisho ah ee ay jirsatay, ayaa wuxuu kaga shanqariyay hadalo u muuqday in uu ka carooday dayaacadaha uga imaaneysa bulshada.
Raa’isal Wasaare Saacid ayaa wuxuu shacabka Somaliyeed uu ugu baaqay inay taageeraan isbedelka ka curtay dalka, isagoo sidoo kalana kaga digay inay Dowladda ku hadal hayaan goobaha ay bulshadu isugu timaado.
“Shacabka Soomaaliyeed waa inay taageeraan Isbedelka cusub, yaan lagu mashquulin fadhi ku dirir iyo awoodii hebel baa lunsaday. Yaan lagu fikirin hebel iyo hebel inta isku dhacaan aan ku garab noqdo hebel, kadibna halkaasi shaqo ha kaaga soo baxdo, taasi waa la soo dhaafay dibna loogu noqon maayo Insha’Allah, War-xuma tashiilkana waa in la iska daayaa.” Ayuu yiri Raa’isal Wasaaraha Somaliya.
Goobaha ay bulshadu isugu timaado ayaa waxaa laga hadal hayaa inuusan Raa’isal Wasaaraha awood badan ku laheyn Dowladda, taasina ay tahay middii ka dambeysay soo magacaabistiisa.
Farshaxamiistaha weyn ee Soomaaliyeed Amiin Caamir oo ay bulshadu u taqaano Amin Arts, ayaa wuxuu Khamiistii doraad uu sameeyay sawir gacmeyd, uu markaasi uu ku muujinaayo inaanu Raa’isal Wasaaraha laheyn awood.












war abtigay sida u dhama ha u dhamaytirine!