Al-Shabaab oo si Xirfadaysan ula wareegay Magaalada Kismaayo
Number of View: 248Ciidamada Al-Shabaab ayaa gudaha usoo galay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyagoo ku labbisan dharka ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo.
Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in wax dagaal ah uusan ka dhicin magaalada, waxayna magaalada haatan kaga sugan yihiin xaafadda Guul-wade oo xigta dhinaca galbeed ee magaalada.
Dad la rumaysan karo ayaa sheegay in ciidamada Al-Shabaab xiran yihiin suraawiil iyo shaarar cagaaran oo loo ekeysiiyay labbiska ciidamada ammaanka Kismaayo ee maamulka kumeel-gaarka ah ee magaalada haysta.
Xalay iyo habeen hore waxaa ciidamada ammaanka Kismaayo ee maamulka lagu amray inay magaalada ammaankeeda sugaan oo ay waddooyinka socdaan, laakiin Shabaab ayaa waji kale u yeelan oo ciidankii dharka la xirtay.
Markii laga warhelay arrintaas ayay ciidamadii Kismaayo ku sugnaa ee ammaanka sugayay waxay galeen difaac waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas mir-mir u dhacaysa mana jirto xaalad kacsan marka laga reebo in ciidamada guud ee magaalada ku sugnaa ay difaacyadoodii sii adkeeyeen.
Dhinaca ay Shabaab kasoo galeen magaalada waxay xigtaa meel gees ah waxayna dhabarka ku haysaa dhul baadiye ah oo waddooyin badan leh.
Al-Shabaab ayaa si xirfadaysan waxay magaalada ugu soo siqayaan dhinacyo badan marka laga reebo dhulka xeebta ah oo ay ku badan yihiin Militeriga Kenya.
<p>Saraakiisha Kismaayo ayaa diiday in ay faah fahin ka bixiyaan xaaladan kusoo korortay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.










