Al-Qaaddi “Reer Baardheere iyo Dadka Buurdhuubo ha soo dhaweeyeen Ciidamadeenna”
Number of View: 321Afhayeenka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (al-Qaaddi) ayaa ka codsaday shacabka ku nool degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere inay soo dhoweeyaan ciidamada Ahlu Sunna ee kuwa dowladda oo uu sheegay inay halkaasi ku wajahan yihiin.
Al-Qaaddi ayaa sheegay inay qorshaynayaan in maleeshiyada al-Shabaab ay ka saaraan dhammaan goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.
Afhayeenka waxa uu ka codsaday waalidiinta inay carruurtooda la marin habaabiyay ay kala haraan maleeshiyada, isagoo xusay in dhibaatada carruurta ay tahay mid iyaga taabanaysa.
Ciidamada iskaashanaya ayaa maalimihii ugu dambeeyay diyaar-garow ciidan oo ka dhan ah al-Shabaab ka waday gobolka Gedo.










