Xildhibaanka Degmada Kama Kunji Yuusuf Xasan oo Ku Dhaawacmay qarax ka Dhacay Islii (Faah Faahin)

Number of View: 383

Xaaladda xaafadda islii gaar ahaanna aga-gaarka Jaam Street ayaa haatan si aad ah u kacsan kadib qarax xooggan oo goor-dhawayd ka dhacay.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 qof,  oo uu ku jiro xildhibaanka kama kunji Yuusuf  Xasan inkastoo uu intaa ka badan karo.

Dadka kusugan goobta oo lahadlay Sooyaal News ayaa xaqiijiyay in qaruxu uu ka dhacay afaafka hore ee masaajidka waxayna intaa ku dareen in qaruxu uu u ekaa mid lala eegtay xildhibaanka degmada Kama kunji Yuusuf Xasan walow aan si rasmi ah loo ogeyn.

Sargaal ka tirsan xoghaynta xildhibaan Yuusuf Xasan oo la hadlay Sooyaal News ayaa caddeeyay in xildhibaanku uu dhaawac fudud soo gaaray, waxaa sidoo kale xildhibaanka la dhaawacmay ilaaladiisa khaaska ah ayadoon la xaqiijin dhaawaca soo gaaray inta uu la egyahay.

Goob jooge ku sugan goobta oo aannu khadka taleefanka kula xariirnay aya ainoo xaqiijiyay inay dhici karto dhimasho maaddaama ay ay jiraan dhaawacyo halis ah.

Xaaladda ayaa hadda si aad ah u kacsan waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dalka Kenya.

Maria Abshir Faarax
Sooyaal News Network
Nairobi – Kenya


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...