Xaaladda Jowhar oo Aan Sal Dhigan Iyo Al-Shabaab Dagaal Diyaar u ah
Number of View: 142
Wararka iminka naga soo gaaraya deegaanka Boorrow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen magaalada Jowhar.
Xaaladda magaalada Jowhar ayaa kacsan waxaana ka taagan kala carar xooggan,iyadoo Alshabaab la sheegayo inay isaga carareen magaalada Jowhar.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay dagaal is difaacid ay u dhigeen ciidamada dowladda ee doonaya inay qabsadaan magaalada Jowhar.
Jawiga ayaa kacsan,waxaana magaalada la sheegayaa inay ka taagan tahay kala carar ay sameynayaan shacabka magaalada Jowhar.










