DHAGAYSO: Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay odayaasha iyo xildhibaannada Jubbooyinka
Number of View: 178
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la yeeshay qaar ka tirsan salaadiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa u sheegay odayaashii joogay kulanka in aysan dowladda Soomaaliya wadin qorsheyaal maamullo loogu dhisayo gobollada, balse ay taa beddelkeeda fududeynayso sidii maamul uu dadka deegaanka u dhan yahay loogu samayn lahaa gobollada.
DHAGAYSO WASIIRKA OO HADLAYA KULANKA
Kulanka ayaa si weyn loogu lafa guray sida ugu wanaagsan ee maamul loogu samaynayo gobollada Jubbooyinka.
Salaadiintii iyo xildhibaannadii fadhiyay kulanka ayaa dowladda u soo jeediyay in ay dedaalkeeda ugu badan geliso sidii xal loogu heli lahaa maamul u samaynta Jubbooyinka. Isimadu waxay tilmaameen in loo baahan yahay in la mideeyo dedaallada la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolladaas.










