Wasaaradda warfaafinta oo tababarro u furaysa weriyeyaasha

Number of View: 132

Wasaaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay billaabi doonto tababarro dhinaca horumarinta saxaafadda ah oo la siin doono weriyeyaasha Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay inay wasaaraddiisa diyaarisay tababarro lagu horumarinayo aqoonta iyo tayada weriyeyaasha Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu wado inay ka dhacaan gudaha iyo dibedda dalka.

Ciil-mooge wuxuu sheegay inay tababarayaal ajnebi ah oo khibrad ah bixiin doonaan tababarrada, kuwaasoo uu sheegay inay soo xulatay wasaaraddiisa.

Wuxuu sheegay inuu rabo la kulmidda mas’uuliyiinta hay’adaha warbaahinta ee ka howlgala Soomaaliya, si ay wada shaqayn dhow u dhex marto wasaaraddiisa iyo warbaahinta maxalliga ah.

Wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay dilalka iyo dhibaataynta joogtada ah ee ka dhanka ah weriyeyaasha Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay mudnaanta koowaad siinayaan xaqiijinta ammaanka suxufiyiinta.

Ciil-mooge wuxuu weriyeyaasha ka dalbaday inay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda iyo shuruucda caalamiga ah ee warbaahinta

Wasiirka wuxuu sheegay inay dhowaan ansixin doonaan xeerka warbaahinta si dowladda ay ugu suurtagasho xakamaynta warbaahinta iyo xaqiijinta inay hay’adaha warbaahinta sida ugu habboon ugu adeegaan bulshada.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...