War Culus:Orodyahanka Mo, Farah oo Xabsi loo dhigay argagixisonimo(SAWIRO)

Number of View: 707

Orodyahanka haysta horyaalka orodka 10-ka kun iyo shanta kun ee dunida ee asalkiisu ka soo jeedo Soomaaliya, hase yeeshee haysta dhalashada Britain ugana qayb gala tartamada magaca British-ka Mo Farah, ayaa loo qabtey tuhun waxaa loogu yeero argagixisada, xili uu doonayey in uu galo wadanka Mareykanka.mopa

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalada London ayaa caawa faafiyey wareysi uu la yeeshay orodyahanka Mo Farah kaasi oo uu ku xaqiijiyey in mudo saacado ah lagu haystey garoonka diyaaradaha magaalada Portland ee gobolka Oregon ee wadanka Mareykanka, isagoo xiligaasi ay la socdeen qoyskiisa, waxaana uu sheegay in ujeedada loo xiray ama su’aalaha loo waydiiyey aanay aheyn shaki isaga shakhsiyan laga qabey, balse markii uu Baasaboorkiisa uu dhiibay waaxda hubinta document-yada ay ku arkeen in uu ku dhashay Soomaaliya, sidaasina loogu sheegay in su’aalo loo baahan yahay in la waydiiyo, iyagoo u sheegay in ay ka qabaan shaki ku aadan argagixisnimo.

Mo Farah wuxuu u sheegay saraakiishii su’aalaha waydiinaysay ee uga shakisay argagixisnimada in hadii ay isaga shaki ka qabaan in uu yahay Mo Farah ay eegaan cadeymaha uu haysto sida isagoo tusay labadii biladood ee dahabka ahaa ee uu ku helay orodka 10-ka kun iyo shanta kun ee uu ku guuleystey xiligii ay socdeen ciyaarihii Olympic-da, balse wuxuu sheegay in arintaasi laga diiday oo lagu sameeyey baaritaan dheer, loona sheegay in mudo la haynayo.Mo_Farah__

“Ma Rumeysan karin in dhalashada aan ku dhashay Soomaaliya in la ii xiro ama tuhun la iga qaado, mar kasta oo aan imaado wadanka Mareykanka, laakiin markan waxaan watey cadeymihii biladihii aan ku guuleystey inkasoo aanay qaadan ama rumaysan{Kooxaha baarayaasha}” ayuu yiri Mo Farah oo  29 sano jir ah.

Mo Farah wuxuu sheegay in xiligii uu loo qabtey shakiga argagaxisnimada in uu ka yimid magaalada Toronto ee wadanka Canada, isagoo xusey in uu doonayey in uu ka qaato wadanka Mareykanka deganaansho ay u diyaarisay shirkada Nike oo uu kula jiro heshiis, uuna ku tababarto xarunteeda, isagoo degan Portland.MO_FARAH4

Mo Farah wuxuu tibaaxay in markii mudo ay su’aalo waydiinayeen uu la xiriiray tababarihiisa Alberto Salazar isagoo u sheegay in loo haysto shaki la xiriira argagxisnimo maadama ay ugu qoran tahay baasaboorka in uu ku dhashay Soomaaliya, waxaana taasi keentey in Alberto uu la xiriiro hay’ada dambi baarista ee FBI-da oo uu ku leeyahay qof saaxiib ah, isagoo u sheegay in qofka la haysto uu yahay Mo Farah oo aanay jirin tuhunka laga qabo.

“Nasiib wanaag Alberto wuxuu la xiriiray qofkaasi uu yaqiin ee FBI-da ka shaqeeya, kaasi oo aniga xitaa ah ii taageere aad u weyn, wuxuuna ogaa waxa aan ahay, iyadoo arintaasi sidaasi lagu xaliyey isla markaana naloo ogolaadey in aan gali karno gudaha wadanka Mareykanka” ayuu yiri Mo Farah.Mohamed_Farah

Mo Farah oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Maxamed Mukhtaar Faarax wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, hase yeeshee isagoo 8 sano jir ah ayuu la midowbay Aabihiis oo uga soo horeeyey wadanka Ingiriiska oo haystey dhalashada British-ka, isagoo qaatey dhalashadii Aabihiis haystey.

Sanadihiisii ugu horeeyey oo uu dhiganayey Iskoolka hoose luuqada Ingiriiskuna ay ku aheyd mid aad ugu adag wuxuu jeclaa in uu ciyaaro kubada cagta, waliba uu ciyaaro naadiga caanka ah ee kubada cagta ee Arsenal ee ka dhisan magaalada London oo uu yahay taageere weyn, laakiin macalinkiisii Sports-ka ee Iskoolka ayaa u sheegay in uu ku wanaagsan yahay orodka uuna kula talin lahaa in uu ku dadaalo in uu orodka barto si uu ugu tartamo.

Mo Farax oo jeclaa in uu kubada cagta ka ciyaaro garbaha wuxuu qaatey taladii macalinkii Iskoolka, isagoo bilaabey in uu isu diyaariyo tartamada orodka, ilaa uu ka gaarey heer uu ku guuleysto rikooro caalami ah oo uu ku muteysatey bilado badan.

Markii uu shaac baxay ee uu ku guuleystey tartamo muhiim ah isagoo matalaya Britain waxaa la su’aalay in uu jeclaan lahaa in uu u ordo ama uu matalo Soomaaliya, laakiinse wuxuu si cad u yiri “Sabab …oo maxaa dhacay oo aan u matalayaa Soomaaliya, waayo halkan {Britian} waa dalkeyga aan jeclahay, isaga ayaan doonayaa in uu matalo oo aan u ordo”.Mo-Farah-David-Cameron

“Halkani waa meeshii aan ku koray, waa meesha aan ka bilaabay nolasha, waa wadankeyga, marka aan xiranahay fanaanada orodka ee Great Britain aad ayaan isula weynahay, waana isula waynahay” ayuu sii raaciyey Mo Farah.

Inkastoo Mo Farah uu ku ordo calanka British-ka isagoo huwan hadana wuxuu booqasho ku tagey qaybo ka tirsan Soomaaliya, laakiin isaga iyo kuwa kale oo badan oo Sports-ka ku lug leh ayaa dhinac iska dhigay in ay matalaan dhulka ay ka soo jeedaan iyagoo door biday wadamada ay dhalashooyinka ka qaateen.

Mo Farah wuxuu qabaa haweenay ajanabi ah oo lagu magacaabo Tania Nell oo ay isku dhaleen laba gabdhood oo mataano ah oo lagu magacaabno Aisha & Amani, inkastoo xaaska Mo Farah ay horey u soo dhashay gabar haatan uu yahay Mo Farah Aabe koriimo.

Todobaadka dambe Insha ALAAH waxaan idiin soo gudbin doonnaa warbixin dheer oo ku saabsan nolashii Mo Farah oo ku soo koray, qaabkii uu ku tagey magaalada London, walaalkiis ay mataano ahaayeen iyo qaar ka mid ah qoyskiisa oo xaalado daruufeed ku haysato qayb ka mid ah Soomaaliya, shirkadaha ganacsi ee xayeysiiska uu u sameeyo MO Farah dhaqaalaha uu ka helo, nolashiisii sida ay ku bilaabatey wadanka Ingriiska iyo waliba taariikh ku saabsan sida ay isku guursadeen hooyadiis iyo Aabihiis.

Halkan ka akhri warbixintii Wargeyska The Sun uu ka qoray sheekadan Mo Farah

Sooyaal News Network
sooyaal@sooyaalnews.com
mo-farah-london Mo_Farah3 Mo_Farah2

 


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...