Wafti ka socda Urur Goboleedka IGAD oo Gaaray Kismaayo iyo Kulamo ka Socda Magaalada

Number of View: 223

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta ka degay wafdi ka socda urur goboleed-ka IGAD ayadoo wafdigaas markii ay magaalada galeen amaankooda aad loo adkeeyay.

Ciidamo badan aya lagu daadiyay waddooyinka waa weyn ee Kismaayo iyo xaafadaha udhow halka wafdigaas ay caawa ku hoyanayaan ee magaalada Kismaayo.

Wariye madax banaan ayaa sooyaalnews.com usheegay in wafdiga ay kulamo xasaasi ah la leyihiin Saraakiisha gacanta ku haysa maamulka jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

“Wafdigan soo garay magaalada Kismaayo waxay hadda la kulansan yihiin saraakiisha halkan kusugan sida Axmed Madoobe, Gen Cali Madoobe, Sh Maxamed Ow-Libaax, Yaasiin Raadeer, C/Naasir Seeraar iyo Saraakiil kale.

Waxaa wafdigan oo haatan kusugan jaamacadda Kismaayo ayay saraakiisha magaalada kala hadlayaan arrimaha mamul usamaynta jubbooyinka iyo Gedo oo haatan meelo gabo gabo ah maraya.

Wararka waxaa ay sheegayaan in sidoo kale laga wadahadlayo sidii dowladda Soomaaliya ay gacan uga gaysan lahayd mamul usamaynta jubbooyinka si khilaafka jira loo xalliyo.

Marar badan ayay wafuud ka socota dalalka gobolka iyo kuwa caalami ah tageen magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada Hoose.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...